Man City Oo Ku Guuleysatay Capital One Cup Ka Dib Markii Ay Garaaceen Sunderland.

Man City Oo Ku Guuleysatay Capital One Cup Ka Dib Markii Ay Garaaceen Sunderland.

daajis.com:-Kooxda Manchester City ayaa ku guuleysatay markeedii 3aad koobka League Cup ee haatan loo yaqaano Capital One Cup ka dib markii ay 3-1 ku dubteen kooxda Sunderland finalkii ka dhacay Wembley.

Kooxda Sunderland ayay aheyd kooxdii hogaanka ciyaarta ku hormartay ka dib markii Fabio Borini uu si weyn kubad u dhameystiray isagoo ka faa’ideystay qalad daafac uu sameeyay kabtan Kompany.
Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay Sunderland, laakiin labo gool oo degdeg ah oo ay dhalisay Man City bilowgii qeybta labaad ayaa ciyaarta dhanka kale u rogay.
Daqiiqadii 55aad ayaa Yaya Toure uu u barbareeyay City isagoo goolka ka soo toogtay meel 35 yard u jirta waxaana ay aheyd kubad qurxoon.
Labo daqiiqadood ka dib Nasri ayaa kubad uu si wacan u dhameystiray hogaanka ugu dhiiba Man City.
City ayaana xaqiijisatay koobka Capital One Cup daqiiqadii 90aad markii Toure uu kubad u dhigay Navas kaasoo isna kubada cusjiyay shabaqa.
City ayaana hanatay koobka Capital One Cup, waana koobkii ugu horeysay ee tababare Pellegirni uu la qaado City, isagoona noqday tababarihii ugu horeeyay ee South America ee hanta koobkan, waana koobkii ugu horeysay ee uu hanto intii uu joogay Yurub.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada