War Deg-Deg:- Bam Gacmeed lagu weeraray Guriga Madoobe Nuunoow

War Deg-Deg:- Bam Gacmeed lagu weeraray Guriga Madoobe Nuunoow

daajis.com:-Wararka saakay naga soo gaaraya magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in Guriga M/weynaha dhawaan loo doortay maamulka 6da Gobol ( Madoobe Nuunoow) xalay lagu weeraray Bam-gacmeed.

Xaalada magaalada Baydhabo oo 4tii maalmood ee lasoo dhaafay Kacsaneyd, ayaa weerarkaan ugu danbeeyay waxa uu ka dhigayaa mid sii murjinaya Xaalada.

Majiro ruux loo soo qabtay weerarka xalay lagu qaaday Guriga Madoobe Nuunoow.

Dhinaca kale Xilibaan Xaabsade, oo kamid ah Xilibaanada taageersan maamulka 6da Gobol, ayaa mar uu wareysi siinayay Idaacada VOA, waxa uu ku hanjabay in Magaalada ay isla wada joogi doonin 2 maamul.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada