Hordhaca:- Manchester City v Southampton – Pellegrini Oo Xiddigihsa Kula Dardaarmaya Inaysan Dhibic Beer Dareyn.

Hordhaca:- Manchester City v Southampton – Pellegrini Oo Xiddigihsa Kula Dardaarmaya Inaysan Dhibic Beer Dareyn.

daajis.com:-Manchester City oo Rajo Weyn Ka Leh hanshada Premier League ayaa cawada soo dhaweyn doonta kooxda aan dabka yar shidin Ee Southampton kulan ka tirsan isbuuca 33-aad Ee horyaalka Ingriiska.

kulankan ayaa soo gali doona 02:45 duhurnimo xilliga bariga afrika waxana dhexdhexadin doona garsoore Chris Foy gegeda lagu ciyaai doonana waa Etihad Stadium.
Southampton waxa kulankan ka maqan Clyne, Davis iyo Yoshida, waxase shaki la galinaya Victor Wanyama, dhanka Manchester City waxa kulankan ka maqnan doona Matija Nastasic
Xaqiiqoyinka Iyo Taariikhda Kulankan:

Yaya Toure ayaa xilli ciyaaredkan dhaliyay afar bulusiyoon.
Manchester City ayaa heysata weerarka ugu adag xilli ciyaaredkan waxeyna wadar ahaan dhaliyeen weeraryahanadeda 67 gool.
Manchester City ayaa adkaatay 12 ka mid ah 13-kii kulan ugu dambeyay oo ay garoonkeda ku ciyaartay.
Southampton ayaa guul gaartay seddex ka mid ah afarii kulan ugu dambeyay oo ay la ciyaartay kooxaha heerka sare Ee Premier League.
Manchester City ayaa ah kooxda ugu koorno helista badan horyaalka Ingriiska balse inbadan kama aysan faaideysan.
Manchester City ayaa guul gaartay afar ka mid ah shantii kulan ugu dambeyay oo ay ciyaartay.
Manchester City ayaa ah kooxda awooda badan kulamada gurigeda lagu ciyaarayo, waxeyna ku dhalisa goolal ka badan kuwa ay ku dhaliso banaanka.
Line-upka Macquulka Ah:
Manchester City: Hart; Zabaleta, Kompany, Demichelis, Clichy; Yaya Toure, Fernandinho; Navas, Silva, Nasri; Dzeko.
Southampton: Boruc; Chambers, Fonte, Lovern, Shaw; Schneiderlin, Ward-Prowse; Cork, Lallana, Rodriguez; Lambert.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada