Soomaali tiro badan oo laga soo tarxiilay Dalka Kenya oo kusoo wajahan Goordhaw Magaalada Muqdisho

Soomaali tiro badan oo laga soo tarxiilay Dalka Kenya oo kusoo wajahan Goordhaw Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Waxaa Saakay Diyaarad sida ku dhawaad 100-qof oo Soomaali lasoo Tarxiilay ah kasoo duushay garoonka Diyaaradaha Jomo Kinyatta ee Magaalada Naiarobi , 

Soomaalidan kusoo wajahan saacadaha soo aadan garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa laga soo tarxiilay dalka Kenya kuwaa oo mudooyinkan ku xirnaa xabsiyo kuyaala Magaalada Naiarobi .

Dadka lasoo tarxiilay ee la filayo in Magaalada Muqdisho kasoo dagaan ayaa u badan Soomaalidii maalmahan laga raafayay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi , waxaana la tilmaamay in dadkan lasoo tarxiilay ay isugu jira Haween , Caruur , Dhalinyaro iyo dad da’ ah.

Diblamaasi kusugan Magaalada Nairobi ayaa sheegay in Soomaalidan lasoo tarxiilay saakay laga soo duulIiyay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kinyata , waxa uuna tilmaamay in dadkan ay ahaayeen kuwa aan Sharci heesan oo kunoolaa Dalka Kenya.

Xabsiyada Magaalada Nairobi iyo Garoonka Kubada Cagta ee Kasraaani waxaa ku jira Kumanaan Soomaali ah , kuwaa oo la filayo qaarkood in qaab tarxiil ah lagu keeno Muqdisho, halka kuwa kalana dib loogu celin doono xeryaha qaxootiga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada