Cod u qaadistii Heshiiskii Shirkada FAVORI ee maamusha Garoonka diyaaradaha oo dib u dhac ku yimid

Cod u qaadistii Heshiiskii Shirkada FAVORI ee maamusha Garoonka diyaaradaha oo dib u dhac ku yimid

daajis.com:-Waxaa goor dhoweyd uu dib u dhac ku yimid cod u qaadistii lagu waday in maanta Baarlamaanka u qaado Heshiiskii Shirkada FAVORI ee maamusha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo dib u dhacan ay sabab u aheyd kooramka oo loogu tala galay codeynta oo gaari waayay.

Kulanka Baarlamaanka oo uu ajandihiisa ahaa cod u qaadista Heshiiska Shirkada FAVORI ayaa markii labaad ay hakad ku timid, kadib markii fadhiga Baarlamaanka ay soo xaadireen 128 mudane, taasna ay keentay in dib u dhac ku yimaado.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa sheegay inay aheyd in tirada Xildhibaanada ay gaarto 139, sidaas darteed ay gaari weysay tiradii la filayay in lagu codeeyo, waxaana Gudoonka uu ku dhawaaqay in dib loo dhigo.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa aad ugu kala aragti duwanaa heshiiskan, waxaana qaarkood ay dalbanayeen in gebi ahaanba heshiiskan la laalo, oo uu sharci daro yahay, sidaas darteed aanay garoonka ka sii shaqeyn.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada