Madaxweyne Geelle oo la kulmay Madaxweyne Obama (SAWIRRO)

Madaxweyne Geelle oo la kulmay Madaxweyne Obama (SAWIRRO)

daajis.com:-Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta kula kulmay Madaxweyne Barack Obama xafiiskiisa Oval ee ku yaal Aqalka Cad, waxaana labada madaxweynaha wax yaabaha ay ka hadleen meel sarre ugu jirtay arrinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa markii uu soo dhammaaday kulankaas wuxuu la hadlay saxaafadda, wuxuuna sheegay in Obama uu u soo jeediyay in Soomaaliya sidan looga roonaado, wuxuuna yiri

haddii aan la dhisin ciidanka Soomaaliya wax qabsoomayo 2016-da ma jiraan.
Ismaacil Cumar Geelle ayaa sidoo kale u sheegay in madaxweyne Obama uu u sheegay Soomaaliya in ay u baahan tahay ciidankeeda in loo tababbaro lana siiyo qalab ku filan si ay isaga celiyaan cadowga la dagaallamaya.

"Madaxweynaha Maraykanka waxaan u sheegnay in loo baahan yahay in wax laga badalo sidda hadda loo taageero dowladda Soomaaliya, haddii la rabo isbadal"
Waxaa la weydiiyay madaxweynaha Jabuuti doorka ciidankooda ay ku lee yihiin howgalka Midowga Afrika, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku deeqeen ilaa kun askari.

"Ilaa kun askari ayaan garab dhignay nabadda Soomaaliya, waxaa naga go'an in aan sii wadno taageerada aan siineyno ciidamada Soomaaliya, laakin ma ahan in ay sii joogi doono halkaas oo aan sii fadhiisaneyno" ayuu yiri madaxweyne Ismaacil Cumar.


Wuxuu sheegay oo kale in madaxweynaha Maraykanka ay kala kulmeen ballan qaad ah in ay sii wadi doonaan tababbarida iyo garab istaaga Soomaaliya, isagoona intaas ku daray in ciidamo Maraykan ay ka qayb qaataan howlaha tababbarka.

Waxaa la weydiiyay madaxweynaha Jabhuuti sidda uu arko ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo la dhaho waxaa u fiican Jabuuti maadam ciidankasta uu lee yahay danno gaar ah.

Wuxuu muujiyay in ciidankooda ay ka go'antahay siddii nabad ay ku dhallan lahayd Soomaaliya balse uusan ka hadlin ciidaamda kale qorshaha ay lee yihiin oo waa uu ka gaabsaday.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada