Madaxweynaha Soomaaliya oo u safraya Marekanka kana qayb galaya shir caalami ah

Madaxweynaha Soomaaliya oo u safraya Marekanka kana qayb galaya shir caalami ah

daajis.com:-Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in usbuucaan gudihiisa uu u ambabaxo dalka Mareykanka.


Madaxweynaha ayaa ka qayb galaya kulanka madaxda Afrika iyo madaxweynaha Mareykanka oo ka furmaya dalkaasi Mareykanka, kaasi oo looga hadli doono arimo badan oo ay ka mid yihiin dib lumaasiyadda, xiriirada iyo siyaasadda.
 
Shirka ayaa waxaa lagu casuumay oo ka qayb galaya ilaa 50 madaxweyne oo Afrikaan ah.
 
Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka mudane Cumar Cabdirashiid ayaa haatan ku sugan gobolka Minnesota, waxaana uu la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi degto isagoona kala hadlay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen soo dhoweynta madaxweynaha Soomaaliya oo bilaawga bishan u safraya dalkaasi Mareykanka.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada