M/WEYNAHA:- Caqabadaha hortaagan xukumadda iyo horumarka shacabka waa qabyaaladda

M/WEYNAHA:- Caqabadaha hortaagan xukumadda iyo horumarka shacabka waa qabyaaladda

daajis.com:-Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in caqabadaha hortaagan horumarka dowladda iyo shacabka ay tahay qabyaaladda iyo waxyaabo aan wanaagsaneyn.

Madaxweyne Xasan oo boqolaal shacab ah shalay kula hadlayay masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in waxa hooos u dhigaya horumarka Soomaaliya ay ugu weyn tahay Qabyaaladda iyo isfaqooqa dhexyaalla bulshada Soomaaliyeed.


Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in laga gudbo taas islamarkaana la raadiyo waxkasta oo ay ku imaankarta midnimada umadda Soomaaliyeed.


“ Tallaabo kasta oo ay dowladdu damacdo inay qaado caqabad baa horimaaneyso,iyadoo caqabad ku noqonayaan dad eegaya danaha qabaa’ilka,taasna waxay u baahan tahay in la qanciyo” , ayuu yiri.


Sidoo kale madaxweynaha dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed usoo jeediyay inay taageeraan dowladda islamarkaana ay la shaqeeyaan, isagoo tilmaamay in dowladdu ay fulin doonto ballanqaadyadi ay horay u sameeysay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada