Maqaal Xiiso badan oo Dhab ah:- Maxaad kala socotaa Nolosha raaxada leh ee ay ku noolyihiin Ciidamada AMISOM ee Koonfurta Soomaliya ku sugan

Maqaal Xiiso badan oo Dhab ah:- Maxaad kala socotaa Nolosha raaxada leh ee ay ku noolyihiin Ciidamada AMISOM ee Koonfurta Soomaliya ku sugan

daajis.com:-Welwel kama qabo in askartayadu ay gacanta Al-shabaab ku dhintaan ee waxaa welwel igu haya askartayada soo noqonaysa iyagoo cayil la dhaqaaqi waayay” sidaa waxaa yiri weriye u soo warrama wargeyska caanka ah ee New Vision ee ka soo baxa dalka Uganda.

Cuntadda:

Weriyuhu wuxuu ku sheegay maqaal uu cinwaan uga dhigay “Cunto heer sare ah, Telefoonno qaali ah, dhar nadiif ah ….. waa wejiga cusub ee ciidmmada Uganda ee ku hawlgala magaca AMISOM”, in ciidammada Uganda ay ku nool yihiin nolol aysan haysan kuwa la midka ah ee Uganda jooga. tusaale ahaan, wuxuu sheegay inay ku quraacdaan caano, casiir, rooti, hilibka shiidan ee loo yaqaan Sausage, subagga rootiga la marsado iyo malab iyadoo cabbitaanka ay kala doortaan shah, qaxwe ama shukulaato iwm.

Wariyahaan oo labo malmood ciidankooda la joogay, wuxuu intaa raaciyay in qadada iyo cashadu ay ka kooban yihiin Bariiska nooca ugu fiican ee oo ay la socdaan digaag, hilib ama kalluun ayna wehliyaan digir, qudaar iyo mayoonays, macmacaan, yoghurt, tufaax iyo burtuqaal. Cuntada ku badatay ciidammadu waxay keentay sida wariyuhu sheegay in mid ka mid ah cunto kariyayaashu uu weriyayaasha ka codsado inay qaataan inta ugu badan ee Yoghurt ah oo ay qaadan karaan markay dalkooda ku noqonayaan maadaama askartu ay dhammayn waayeen.

Waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee uu weriyuhu soo arkay waxaaka mid ahaa in askari askarta ka mid ahi uu taliyihiisa Brig. Dick Olum uga dacwooday sida ay ku dhacday inuu toddobaadkaan 5 tufaax ah oo kaliya cuno?

Qolalka cuntada waxaa yaalla telefishinno casri ah oo askartu caalamka kala socdaan marka ay cuntaynayaan. waxaa kaloo yaal firintijiirro ay qudaar, casiir iyo biyo ka buuxaan. Waana sababta ku kalliftay in afhayeenka ciidammada Lt. Col. Paddy Ankunda uu ciidammadiisa ku dhiirrigeliyo inay miisaankooda ilaaliyaan. “Askarta safka hore ee dagaalka ku jirta iyaga culays badani ma fuuli karo marka loo eego xaaladda ay ku jiraan, laakiin kuwa xeryaha jooga iyo kuwa baraha kontoroollada jooga waa inay miisaankooda aad u ilaaliyaan” ayuu afhayeenku askarta u sheegay.

Telefoonnada Casriga ah iyo Telefishinnada siman Wariyuhu wuxuu sheegay in ciidammadu ay doollar ahaan mushahaarkooda ku qaataan, waxaana intaas u dheer gunnooyin bankigooda loogu shubo. sidaa awgeed, askarigii aan telefoon casri ah gadani waa mid aan rabin ama waa mid telefishin siman ama wax kaloo muhiim ah reerkooda u gaday.

Labbiska:


Dhinaca labbiska, weriyuhu wuxuu sheegay in askari kasta uu sannad kasta leeyahay labo labbis oo dhammeystiran oo casri ah, kabuhuna ma aha noocii hore oo balaastiigga ahaa oo cagha ku gubi jiray ee waa kabo casri ah oo maqaar ka sameysan.
Aqoonyahannada askarta la socda
Askartu kaligood ma aha ee waxaa weheliya xeeldheerayaal dhinac kasta ah sida dhakhtarro, qareenno, xisaabiyayaal, macallimiin, kombiyutar yaqaanno iyo xirfadlayaal kale oo dhammaantood sheegay inay noloshoodu is beddeshay markay halkaan yimaadeen lacagta doollarka ah oo ay qaadanayaan awgeed.
Dumar aan yarayn oo xirfado kala duwan leh ayaa iyaguna ka hawlgala Soomaaliya iyagoo ku labbisan labbiska ciidammada Uganda.

Guryaha:


Guryuhu waxay leeyihiin hawo qaboojiyayaal aadan kulaylka Soomaaliya dareemayn. Qolalka si aad ah ayaa loo nadiifiyay, qol kastana waxaa yaal afar joodari iyo armaajo, musquluhu waxay leeyihiin qubays iyo fadhiga biyaha la raaciyo. Inkast oo uu gaabinayo, internet ayaa xerada oo dhan laga geli karaa.

Gunaanad:


Weriyahaan oo aqoonsigiisa ku soo koobay Weriye u soo warrama New Vision, ayaa hadlkiisa ku soo gunaanaday in 7 sano laga joogo markii Uganda ciidan 7,000 ah oo magaca AMISOM wata u soo dirtay Soomaaliya, hase yeeshee sida weriyuhu sheegay qaar badan oo ciidankaas ka mid ah noloshoodu aysan dib dambe ugu noqon doonin (saboolnimadii) ay horay ugu jireen .


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada