DAAWO VIDEO:- Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyoCabdullahi Maxamed Cal oo Kulan Xasaasi ah Yeeshay. Tolow Maxay Kawada Hadleen .

DAAWO VIDEO:- Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyoCabdullahi Maxamed Cal oo Kulan Xasaasi ah Yeeshay. Tolow Maxay Kawada Hadleen .

daajis.com:-Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi  Xasan Cawaale Qeybdiid oo shalay gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud isla markaana xarun u ah maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa waxaa uu maanta kulan la yeeshay Madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb Cabdullahi  Maxamed Cali, waxayna ka wadahadleen arrimo ay kamid yihiin maamul u sameynta gobolada Dhexe.

Kulankooda markii uu soo gabagabooyay ayaa waxaa si wadajir ah waxaa saxaafadda ula hadlay labada mas’uul , Cabdi Qeybdiid Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in asaga iyo Madaxweynaha Ximin iyo Xeeb ay isku raaceen qodobo gaaraya afar oo ay ugu muhiimsan tahay in dowladda Soomaaliya iyo Beesha caalamka looga baahan yahay in sida ugu dhaqsimaha badan gacan ugu geystaan maamul u sameynta gobolada Galgaduud iyo Mudug.


Madaxweyne qeybdiid ayaa intaa ku daray in sidoo kale bulshada ku dhaqan goboladan looga fadhiyo ka qeyb qaadashada maamulkan, labada mas’uul ayaa sidoo kale waxaa ay ka hadleen wax ka qabashada abaaraha ka jira deegaanada ka tirsan gobolada  Dhexe.


Ugu dambeyntii Madaxweyniyaasha Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb ayaa ka hadlay xal u helidda khilaafka ka dhex jira maamulada Puntland iyo Galmudug kaas oo salka ku haya muranka ka taagan garoonka diyaaraha ee magaalada Gaalkacyo, hase yeeshee Madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb Cabdulaahi Maxamed Cali ( Baarleex) ayaa sheegay in diyaar u yahay in uu dhex dhexaadiyo labada maamul asagoo ugu baaqay in ay hoos u dhigaan xiisada labada dhinac isla markaana ay ka baaqsadaan wax kasta oo keenaya in uu dhiig daato.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada