Haweeney 3 nin wada guursatay oo dhagax lagu dilay Baraawe

Haweeney 3 nin wada guursatay oo dhagax lagu dilay Baraawe

daajis.com:-Haweeney lagu magacaabi jiray Safiyo Axmad Jimcaale oo deganeyd degmada Baraawe ee gobolka shabeellaha Hoose ayaa galabnimadii Jimcihii xarakada Shabaab ku fuliyeen xukun dil ah oo loo adeegaday Dhagax.

Al-Shabaab ayaa Safiya Axmed Jimcaale ku eedeeyeen in ay guursatay Sedax nin xili uu qabay Ninka ugu horeeyay ee ilmaha u dhashay, taasina ay tahay danbi xukunkiisa yahay dil rajmi ah oo dhagax ah.

dhagax lagu dilay ninBoqolaal qof ayaa isugu soo baxay xukunka dilka ah ee haweeneydan lagu fuliyay, iyadoo dadka qaarkii ay noqdeen kuwo jooga ka dhacay oo daawan waayay xukunka dilka Al-Shabaab fulineysay oo ahaa mid adag.

Al-shabaab ayaa sheegtay in Haweeneydan ay maxkamadooda hortooda ka qiratay danbiga ay gashay, isla markaana ay shacabka ka codsaday in loo duceeyo sida ay sheegeen.


Xukunkan ayaan aheyn midkii ugu horeeyay ee Shabaab fuliso, waxaana uu kusoo beegmayaa xili Talaadadii xukun gacan goyn ah ay degmada Xarardheere ku fuliyeen wiil dhalinyaro ah oo xadooyo ay ku eedeeyeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada