Gudiga Maamul u samaynta Sadexda gobol oo ku dhawaaqay xiliga Doorashada

Gudiga Maamul u samaynta Sadexda gobol oo ku dhawaaqay xiliga Doorashada

daajis.com:-Xubnaha ku howlan maamul usameynta saddexda Gobol ee Koonfurta dalka Soomaaliya, ayaa waxa ay shaaciyeen waqtiga la qabanaayo doorashada Madaxweynaha uu yeesho maamulkaasi


C/qaadir Maxamed Axmed Dhaga-cade oo xubin ka ah gudigaasi ayaa sheegay inay ku guuleysteen soo xulista ergada iyo dhameystirka dastuurka uu ku shaqeynaayo maamulkaasi.


Mr Dhagacade ayaa ka hadlay xiliga la qorsheynaayo inay dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Koofur galbeed oo ka kooban Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Waxa uu sheegay in qorshaha uu yahay in doorashada la qabto Bishan dhamaadkeeda weli 28-ka Bishan, sida uu qorshaha yahay hadii aysan waxba isbedelin, waxaana uu rajo ka muujiyay in si nabad ah ay ku dhacdo doorashada Hogaanka maamulka saddexda Gobol ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale  C/qaadir Maxamed Axmed ayaa beeniyay warar sheegaya in khilaaf uu ka dhex taagan yahay gudiga maamul u sameynta Gobolada koofur galbeed Soomaaliya, xilli shalay ay soo baxeen warar sheegaya in khilaaf uu ka dhex-taagan yahay xubnaha maamulkaasi.


Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan masuuliyiin kala matalaya maamulada koofur galbeed Soomaaliya, wallow horay dowlada ay u shaacisay in la dhameeyay qilaafkii maamul u sameynta gobolada koofur galbeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa aqoonsan maamulka saddexda Gobol ee hada la qorsheynaayo in laga dhiso Magaalada Baydhabo, halka maamulka lixda Gobol aysan dowladda aqoonsaneyn.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada