VIDEO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir jaraa’íd ku qabtay Garoonka Aden Ade Intrnl.

VIDEO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir jaraa’íd ku qabtay Garoonka Aden Ade Intrnl.

daajis.com:- Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga la socda waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka mudane, xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda, xubno ka socday maamulka Gobolka Benaadir iyo saraakiil ciidan.


Madaxweynaha oo soo dhaweyn kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ugu horeyn sheegay intii uu ku sugnaa dhulka barakeysan ee Maka iyo Madiina uu u soo duceeyay dadka Soomaaliyeed, isagoo ciidanka ugu hambalyeeyay guulaha ay ka soo hooyeen howlgalkii badweynta Hindiya, iyagoo la wareegay degmada Baraawe iyo deegaanno kale oo ka tirsan Gobolada Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale sheegay in madaxda qaranku aanay ku kala duwanayn sidii uu ugu guuleysan lahaa hadafka dowladda ee ku aadan horumarinta iyo dib u dhiska wadanka, isla markaana ay ka go’antahay madaxda qaranka inay arrimahaasi si wada jir ah u qabtaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada