Daawo Sawirada:- Muddo Nus qarni kadib oo Buundada Jowhar ay heshay dayactir ballaarin

Daawo Sawirada:- Muddo Nus qarni kadib oo Buundada Jowhar ay heshay dayactir ballaarin

daajis.com:- Dayactir xoogan ayaa ka bilaabatay Buundada Jowhar ee isku xirta xaafadaha magaalada iyo deegaanada gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo buundadan ay muddo nus qarni aysan helin wax dayactir ah, waxaana ay ku dhoweyd inay bur burto.

Isu socodkii gaadiidka ayaa maanta la hakiyay, iyadoo dadka loo ogolaa kaliya inay lugta maalaan, maadaama buundadu ay dayactir xoog leh ay ka socotay.

Buundada iyo wadada laamiga ayaa aheyd mid bur bursan, iyadoo aanay horay u suura geli jiran in labo gaari ay is dhinac maraan, balse haatan waxaa lagu sameeyay ballaarin iyo dib u dayactir xoogan oo gaadiidka ay hada iyo wixii ka dambeeya ay wadada labo dhinac ka kala mari karaan.

Dayactirkan ayaa waxaa maal gelinaya dowladda Ingriiska, iyadoo shirkada East African ay fulineyso howsha dayactirka, waxaana soo dhoweeyay qeybaha bulshada magaalada oo ku tilmaamay tallaabo aad u wanaagsan.

Buundada Jowhar ayaa la dhisay sanadkii 1919 waxaana ay ka mid aheyd meelaha qadiimiga ee aadka loo yaqaano, kuwaasoo la dhisay xilliyadii Gumeystihii

Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa mudooyinkii u dambeeyay ka waday magaalada Jowhar howlo isugu jira dayactirka wadooyinka, iyadoo bulshada magaalada ay u riyaaqeen waxqabadka maamulka uu la yimid iyo dar darta uu ku socdo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada