Shirgada SONY Oo La Jabsaday Shaqaaleheedana Loo Hanjabay

Shirgada SONY Oo La Jabsaday Shaqaaleheedana Loo Hanjabay

daajis.com:- Fariimo hanjabaad ah ayaa loo diray shaqaalaha shirkadda Sony kadib markii la jabsaday network-ga shirkadda.sony

Hay’adda baarista ee FBI-da ayaa sheegtay in ay dabagalayso farimahaasi hanjabaadaha ah ee loo diray howl-wadeenada shirkadda Sony, hasa yeeshee, FBI-da ayaa ka gaabsatay in ay faahfaahin dheeri ah ka bixiso natiijooyinka hordhaca ah ee ka soo baxay baaritaanka ay sameeyeen

Fariimaha ayaa sidoo kale loogu hanjabay in waxyeelo loo gaysan dono waalidiinta shaqaalaha hadii aysan u hogaansamin awaamiirta lagu faray fariinta.

Shirkadda Sony ayaa ilaa iyo hadda aanan wax faalo ah ka bixin fariimaha hanjabaadda ah.

Bishii la soo dhaafay, ayaa kooxaha wax jabsada ee (Hackers), sheegayna in ay yihiin “ilaaliyaasha nabadda” ayaa jabsi kadib, helay xog sir ah oo ay leedahay shirkadda sony, waxa ayna ku hanjabtay in shaacin doonto hadii aanan si dag dag ah looga jawaabin dalbakooda. Ma cadda ilaa iyo hadda waxa ay dalbanayaan kooxdaani.

Cadaymo horudhac ah ayaa tilmaaya in kooxda hacker-ada ah soo dirsadeen maamulka waqooyiga Kuuriya oo horay gaashaanka ugu daruurtay qaar kamid ah howlaha shirkaddaasi

Kooxaha wax jabsada ayaa waxaa ay ka faa’iidaystaa dal daloolada shirkadaha, waxaana badanaa la sheegaa in shariikadaha tartarnka ku jiraa ay isu adeegsadaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada