daajis.com:-Wararka laga helaayo dhanka Saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Alshabaab ee ku sugan Buuraha galgala ay gacanta ku dhigeen tiro ka tirsan Ciidamada Maamulka.
Sargaal magaciisa kusoo gaabiyay Food kana mid ahaa Saraakiishii la socday Ciidamada Puntland ee duulaanka ku qaaday Galgala, ayaa xaqiijiyey in halkaasi looga qafaashay ilaa 9-ka tirsanaa Ciidamada Maamulka gaar ahaan kuwa Militeriga.
Waxa uu sheegay in Ciidamadaasi ay ku la’ yihiin nolol iyo geeri, balse markii ugu dambeysay ay jiida hore uga sugnaayen Buuraha Galgala.
Sidoo kale, waxa uu carabka ku dhuftay in wakhtigii dambe ay heleen xog ku aadan in Ciidamadaasi ay gacanta ugu jiraan Maleeshiyaadka Alshabaab ee ka dagaalanta Buuraha galgala.
Saraakiisha Ciidamada Militeriga Maamulka Puntland oo maalmahaani weeraro joogta ah ku hayay goobaha ay Maleeshiyadu kaga sugan tahay Buuraha, ayaa waxa ay wadaan dadaalo ay kusoo furanayaan Ciidamadooda ee ku jira gacanta Alshabaab.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:30 and have
, Published at