daajis.com:- Waxaa shalay oo Axad ahayd ku beegnayd 4 sano guuradii kasoo wareegtay kacdoonkii xukunka looga tuuray xukuumadii hore ee Xusni Mubarik, mudaharaadyo ka dhacay caasimada ayey dad badan ku dhinteen.
Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay banaanbaxyo rabshada wata oo ka dhacay magaalada Qaahira, sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka.
Shacabka banaanbaxayey ayaa taageerayey Madaxweynihii la inqilaabay Maxamed Morsi iyagoo sidoo kale xusayey sanaguuradii afaraad ee kasoo wareegtay kacdoonkii shacabka ee xukunka looga tuuray dowladii kaligii taliska ahayd ee Maxamed Xusni Mubarik.
Dhinaca kale waxaa qeybo kamid ah Caasimada iyo nawaaxigeeda ka dhacay weeraro ay geysteen kooxo hubeysan, weeraradaasi oo lala beegsaday ciidamada amaanka gaar ahaan booliiska.
Labo askari ayaa ku dhimatay rasaas lagu furay goob dadka lagu baaro oo ku dhaw Ahraamta oo ah goob loo dalxiis tago, halka labo askari oo kale ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay gudaha Qaahira.
Banaanbaxyada ka dhacay shalay magaalada Qaahira ayaa kusoo beegmaya xili uu Amiirka Qatar uu ugu baaqay shacabka Masar inay codkooda ku muujiyaan taageerada hogaamiyihii la doortay Maxamed Morsi oo hada xabsiga ku jira.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:30 and have
, Published at