daajis.com:- Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan oo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho goor dhawayd soo gaaray ayaa si rasmi ah xariga uga jaray dhismaha cusub ee terminaal oo lagu kordhiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo isbitaalka Erdogan oo markii hore la oran jiray Digfeer.
Erdoğan ayaa inta uusan xarig-jarin dhismaha cusub ee garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay fulisay shirkad Turki ah,waxuu jeediyay hadal kooban oo u ku sheegay inuu ku faraxsan-yahay booqashadiisa Muqdisho,wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay shirkadda FAVORI ee maamusha garoonka.
“Waan ku faraxsanahay inan xarig jarka dhismaha cusub ee garoonka Muqdisho ka qayb-galo,waxaa uu muujinaya wajiga cusub ee Soomaaliya”ayuu yiri Erdoğan.
Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna dhankiisa hadal ka jeediyay gudaha dhismaha garoonka diyaaradaha Muqdisho,Waxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu Muqdisho ku yimid madaxweynaha Turkiga.
“Madaxweynaha Turkiga waxaan leeyahay ku soo dhawaaw dalkaaga hooyo ee labaad ee Soomaaliya, maantana taariikh cusub ayay noo tahay, booqashadaadii hore iyo tan maanta farqi weyn ayaa u dhexeysa, Horumarka ka muuqda dalka qeyb lixaad leh ayaad ku leedahay adiga iyo shacabka Turkiga” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku daray “Terminal-ka waxa uu wax ka badalay muuqaalka Soomaaliya, tan kale mashaariic kale ee aad dalka ka hirgeliseen muuqaal cusub ayay Soomaaliya ka abuurtay, markale ku soo dhawaada adiga iyo Wafdiga kula socda Soomaaliya”
Madaxweynaha Turkiga ayaa inta kadib isagoo kor u dhahaya “Yaa allah”Bismilaah” Waxuu xarig-jaray dhismaha garoonka Muqdisho oo ay dowlada Turkigu casriyeesay.
Isbitaalka Erdogan oo ka kooban 200 oo sariir, si weyn-na loo casriyeeyay ayuu madaxweynaha xarigga ka jaray.
Mashaaric kale oo ay dowladda Turkiga ka hirgalisay Muqdisho ayuu xarig-jari doona madaxweynaha Turkiga inta uu joogo Muqdisho,Waxaana la filaya in la geeyay xarunta madaxtooyada halka oo u kula shirayo madaxweynaha Soomaaliya.
Booqashadan waxaa la filaya inay qaadan doonto hal maalin,balse waxaa la sheegay madaxweynaha Turkiga inuu kor meeri doono meelo badan oo Muqdisho ah.
Sanadkii 2011 ayuu sidan oo kale Erdoğan usoo boqday Muqdisho.Waxuuna noqonaya muddo dheer kadib madaxweynihii ugu horreeyay ee booqday dalka bur burka iyo amni xumada lugu sheego ee Soomaaliya.
Dowladda Turkiga ayaa muujisay saddexdii sanno ee ugu dambeysay sida ay u taageerayso Soomaali,si gaar ah caasimada ayaa mashaaric dib usoo celiyay muuqalkeeda ay ka hirgaliyeen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:02 and have
, Published at