daajis.com:- War kasoo baxay Xafiiska Taliyaha Ciidamada Ilaalada Wadooyinak Maamulka Galmudug Maxamuud Maxamed Cabdulle, ayaa waxaa lagu mamnuucay dhamaan gaadiidka ay ku dhagantahay Taarikada Puntland ee gudaha ee ka dhexshaqeeya deegaanada Maamulka.
Taliyaha ayaa waxa uu Ciidamada wadooyinka ugu baaqay inay gacanta ku dhigaan dhamaan gaadiidka ay ku xiran yihiin Taarigada Maamulka Puntland ee jooga Galmudug .
Maxamuud Maxamed Cabdulle oo saxaafada kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu yiri ”Xiligaani wixii ka dambeeya waxaa Galmudug ka mamnuuc ah in gaadiidka wata sumada Maamulka Puntland ay ka dhex shaqeyaan wadooyinka dhexmara Deegaanada Galmudug, gaarigii la qabtaa waxaa lagu xakumi doonaa laga dhan 30$ Darawalkana Xabsi ayuu ku muteysan doonaa”
Dhanka kale, waxa ay su’aal ka taagan tahay qaabka uu maamulka u dhaqan galindoono go’aankaani maadaama inta badan gaadiidka ay ku dhagan tahay Taarikada labada maamul ay isku gooshaan.
Maamulka Puntland ayaa go’aankaasi aad uga careysiiyay maadaama deegaanadeeda ay ku sugan yihiin gaadiid iyo dadweyne kasoo jeeda Galmudug, waxaana la filayaa in Jawaab adag ay ka bixin doonaan go’aankaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at