Meydka Xildhibaan Xaabsade oo maanta lagu aasayo magaalada Baydhabo

Meydka Xildhibaan Xaabsade oo maanta lagu aasayo magaalada Baydhabo

daajis.com:- Meydka Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, kadib markii uu shalay subax ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho.

Qaban qaabada aaska Marxuumka ayaa ka socota magaalada Baydhabo, iyadoo shalay Gudiga qaban qaabada aaskiisa ay ku dhawaaqeen Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Meydka Marxuum Xaabsade ayaa la filayaa in goor dhow ay diyaarad ka qaado garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan aaska Xildhibaan Xaabsade, iyadoo haatan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo goor dhow diyaarad ay ka qaadi doonto.

Marxuum Xaabsade ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta caanka ahaa ee Koofur Galbeed, waxaana uu horay Wasiir uga soo noqday Xukuumadihii KMG.

Marxuumka oo dhashay sanadkii 1958 ayaa sidoo kale ka mid ahaa Hogaamiyayaashii Kooxaha Soomaaliya, waxaana uu ahaa aas aasayaashii Jabhadii RRA la dhihi jiray ee fadhigooda ahaa Gobolada Bay iyo Bakool.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada