Midowga Afrika oo baarlamanka ka codsaday ineey ansixiyaan xukuumada

Midowga Afrika oo baarlamanka ka codsaday ineey ansixiyaan xukuumada

daajis.com:-War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya, isla markaana la xoojiyo hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka ee ay dowladda hiigsaneyso iyo ajandaha ku saabsan doorashada bisha September ee 2016-ka laga hirgelinayo guud ahaan dalka.

images (1)War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri “ Si loo gaaro talaabooyinka ay hiigsaneyso dowladda, isla markaana looga fogaado waxkasta oo dib u dhac u keeni kara Xukuumadda, Midowga Afrika waxa uu ku boorinayaa hay’adaha dowladda gaar ahaan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya in uu codka kalsoonida ah siiyo xukuumadda cusub ee Soomaaliya, si ay u dar dargeliyaan howlaha horyaalla oo ay ugu muhiimsanyiiin xoojinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay beesha caalamka iyo xasilinta goobaha laga xoreeyay maleesiyada Al-Shabaab”

“Midowga Afrika waxa uu sii wadayaa taageerada uu siinayo shacabka Soomaaliyeed, la shaqeynta hay’adaha dowladda, ka qeyb qaadashada xasilinta iyo dib u dhiska dalka” ayaa lagu soo gabo gabeeyay War-saxaafadeedka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada