daajis.com:- Ciidamada amaanka maamulka KMG ah ee Jubba ayaa maanta soo bandhigay Nin dhalinyaro ah oo usoo labistay qaabka Haweenka, isagoo xeran Xijaab iyo Indha Shareer.
Wiilkaani dhalinyarada ah ayaa gacanta lagu dhigay xili uu magaalada dhex laafyeynayay, iyadoo ciidamada amaanka ay ka shakiyeen qaab socodkiisa, taasoo keentay in dharka laga dhigo, lana arko inuu nin yahay.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Suldaan Cabdiqaadir Lugadheere , ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in nin rag ah uu iska soo dhigo dumar, wuxuuna sheegay in ciidamada amaanka ay baaris ku wadaan ninkan sababta ku kaliftay inuu dharka dumarka xerto.
Labo maalin ka hor ayaa ciidamada Nabadsugida gobolka Banaadir ay sidaan oo kale gacanta kusoo dhigeen nin xernaa Jalbaab iyo Indha Shareer.
Kooxaha Al-Shabaab ayaa xiliyada qaar xeeladahooda u adeegsada inay iska soo dhigaan Dumar, si ay u fuliyaan qorshahooda dilalka iyo qarbudaada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:21 and have
, Published at