daajis.com:- Gudoomiye ku xigeenkii dhanka Siyaasada ee maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed Caano geel ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeroyooday qaraxii Maanta ka dhacay Hotelka Central ee Magaalada Muqdisho.
Alle ha u naxriistee Caano Geel ayaa ka mid ahaa Masuuliyiintii ku sugneyd Gudaha Hotelka markii uu qaraxa dhacaayay isla markaana ku jiray Salaadii Jimcaha .
Sidoo kale Qaraxaasi waxa ku dhintay Xildhibaan Cumar Furdug oo ka mid ahaa Mudanyaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo isna ku sugnaa gudaha Hotelka markii uu qaraxa dhacaayay.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay qaraxa uu ku jiro Wasiirkii Wasaarada Dekeda ee Xukuumada Raysal Wasaare Cumar C/rashiid Nuur Faarax Xirsi.
Qaraxa ayaa sidoo kale waxa ku dhaawacmay Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali iyo xildhibaan Cabduqaadir Cali Cumar oo horay u soo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Xukuumaddii KMG ee Dowladii Sheekh Shariif.
Waxa jira Xildhibaano iyo Wasiiro kale oo aan helin Magacyadooda oo ku dhaawacmay qaraxaasi Maanta ka dhacay Hotelka Central ee Magaalada Muqdisho oo ka mid ah Hotelada ugu caansan ee Magaalada Muqdisho oo ay dagan yihiin Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka ahna ku simaha ra’isal wasaaraha Dalka Maxamed Cumar Carte ayaa isna la soo sheegayaa inuu ku dhaawacmay qaraxaasi balse dhaawiciisa uu yahay mid fudud.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:08 and have
, Published at