daajis.com:- Xildhibaanada Baarlamaanka Turkiga ayaa gacanta isula tagay, kadib dood ka dhalatay sharci la horkeenay Baarlamaanka, kaasoo lagu xoojinayay awooda Ciidamada Booliska.
Sharcigan ayaa waxaa ka hor yimid Xildhibaanada Mucaaradka ee ka tirsa Xisbiga CHP, iyagoo ka soo horjeeday taageerada sharcigan ay u hayeen xisbiga talada dalka haya ee AK Party.
Dooda ku saabsan sharciga awood siinta ciidamada booliska oo dhacday shalay gelinkii dambe ayaa dib loo dhigay, markii ay sii xoogeysatay rabshadaha gacan ka hadalka, taasoo keentay in ilaa shan xildhibaan oo dhaawacyo gaaray in la dhigo Isbitaal.
Xubnaha mucaaradka ayaa ku eedeeynaya Xisbiga talada haya inay doonayaan inay abuuraan Ciidan goboleed ka mid ah ciidamada gaashaanbuurta NATO.
Sharcigan ayaa ciidamada Booliska Turkiga awood dheeraad ah u siinaya ka hortagida dibad baxyada iyo rabshadaha kale ee dalka ka dhaca.
Ma ahan markii u horeysay ee gacan ka hadal dhex mara Baarlamaanada Adduunka, waxay horay falalkan uga dhaceen Baarlamaanada dalalka Soomaaliya, Koofur Afrika, Kenya, Ukraine iyo dalal kale.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:30 and have
, Published at