Deg Deg:Xilibaan katirsan Baarlamanka Kenya oo saakay Nairobi lagu toogtay

Deg Deg:Xilibaan katirsan Baarlamanka Kenya oo saakay Nairobi lagu toogtay

daajis.com:-  Nairobi, Kenya: Kabete MP George Muchai, oo ah xilibaan katirsan baarlamanka Kenya iyo 2 kamid ah ilaaladiisa qaaska ah, ayaa saakay kooxo hubeysan waxay ku toogteen bartamaha Caasimada Nairobi, gaar ahaan wadada lagu magacaabo Kenyatta Avenue-Uhuru Highway.

bulletAfar nin oo wajiyada soo duubtay watayna Gaariga nuuca loo yaqaan (Toyota Fortuner vehicle) ayaa xilibaanka iyo ilaaladiisa rasaas la beegsaday, waxaana halkaas ku dhintay xilibaanka iyo ilaaladii lasocotay.

Goobjooge ayaa warbaahinta u sheegay, in ragga weerarka geystay ay xilibaanka Baabuurka u watay ay ku istaajiyeen roundabout-ka una dhow Nyayo House, iyadoo mid kamid ah ragga dilka geystay uu iska dhigayay ruux ka iibinaya Joornaal, waxyar kadibna waxaa Gaariga uu xilibaanka watay gees kasoo istaagay Gaariga raga weerarka geystay ay wateen, waxayna halkaas ku toogteen marka hore darwalki xilibaanka, kadibna waxay dileen xilibaanka iyo ilaaladiisa.


Muchai, waa markii ugu horeeysay ee uu xilibaan noqdo, waxaana uu baarlamanka Kenya kusoo biiray sanadkii 2013.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada