Itoobiya oo shaacisay xiliga iyo tirada ciidamada ay u direyso Kismaayo

Itoobiya oo shaacisay xiliga iyo tirada ciidamada ay u direyso Kismaayo

daajis.com:- Dowladda Ethiopia ayaa shaacisay in ciidamo geyn doonto bisha soo socoto magaalo xeebeedka dekadda leh ee Kismaayo, kuwaasi oo buuxin doona booskii ay baneeyeen ciidamadii Sierra Leone oo dalkooda dib ugu laabtay, kadib markii la waayay ciidamo badala.

Wakaaladda wararka ee ENA (Ethiopian News Agency) oo soo xiganeyso Madaxa xarunta tababarka ciidamada Ethiopa Major-General Hassan Ibrahim ayaa sheegay in bisha Maarso magaalada Kismaayo la geyn doono ciidamo ka socda Ethiopia, kuwaasi oo buuxin doono booskii ay banneeyeen ciidamada Sierra Leone.

ethio-troops-amisomMajor-General Hassan Ibrahim ayaa sheegay in ciidamada loo qorsheeyay in la geeyo Kismaayo ay diyaar yihiin, soona dhameysteen tababaro dheeri ah, iyadoo lagu daabuli doono Sedax Helicopter.

Mas’ uulkaan ayaa sheegay in ciidamada la geynayo Kismaayo inay ku jiraan tiro haween ah, sidoo kale, waxay ciidamadan ka caawin doonaan kuwa maamulka Jubba sugida amaanka, tababarada ciidamada iyo dhismaha ciidan tayo leh.


Sidoo kale Dowladda Ethiopia ayaa qorsheysay in ay ciidamo u dirto dalka South Sudan oo rabsho ay ka taagan yihiin, kuwaasoo ku tegi doona magaca UNISFA ( United Nations Security Force) .

Dowladda Ethiopia ayaa waxaa gudaha Somalia kaga sugan ciidamo tira badan oo ku howlgala magaca AMISOM, kuwaasi oo tiro rasmi ah aan laga hayn.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada