daajis.com:- Mareykanka ayaa ku dhawaaqay qorshe ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones kaga iibineyaan dalalka saaxibada yihiin oo ay ku jiraan kuwa deriska la ah Somalia.
Saraakiil ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa sheegay in ujeedada diyaaradaha Drones loo iibiyo ay tahay sidii loo wiiqi lahaa kooxaha argagixisada, sida Al-Qaacida, Al-Shabaab, iyo Boko Haram.
Mareykanka ayaa doonaya in si gaar ah dalalka Suuriya iyo Soomaaliya diyaaradahan Drones-ka loogu adeegsado, si loola dagaalamo kooxaha Al-Shabaab, Al-Nusra iyo ISIS.
Wararka ayaa intaa ku daraya in sababaha diyaaradaha Drones-ka loo iibinayo ay tahay, kadib markii uu arkay in Tartan uu kala kulmayo dhinaca Suuqa, gaar ahaan dalalka China iyo Israel oo bilaabay inay iibiyaan diyaaradaha Drones-ka.
Machad falanqeeya arrimaha argagixisada ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ee Mareykanka haatan u qaaayo tallaabadan ay tahay sidii dalalka Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq, Afganistaan iyo Libiya la doonayo in diyaaradahan loo isticmaalo.
Qiimaha la iibiyo diyaaradaha Drone ayaa lagu qiyaasay ilaa 5.2 Billion, waxaana suura gal ah in sanadaha soo socda ay sare u kacdo oo ay gaarto lacag gaareysa 11.6 Million.
Mareykanka ayaa weeraro cirka uu ka fuliyay Soomaaliya waxaa uu adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drones-ka.VIDEO
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:03 and have
, Published at