daajis.com:- Inta badan Shirkaddaha xawaaladaha Soomaalida ee dalka Mareykanka ayaa gebi ahaanba joojiyay adeegyadii lacag dirista, kadib markii ay dhamaatay waqtigii uu u qabtay Bangiga Merchant, kaasoo gacanta ku hayay 80% xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida.
Arintan ayaa saameyn ku yeelan doonto nolosha Soomaali badan oo ku nool gudaha dalka iyo wadamada kale ee Africa oo noloshooda ay ku tiirsan tahay lacagaha ay eheladooda ka helaan.
Xawaaladaha intooda badan ayaa haatan joojiyey adeegyaddii ay bixinayeen, waxaana mudada uu horay u qabtay Bangiga ay ku ekeyd, lixdii bishan oo ku beegneyd maalintii shalay oo jimco aheyd.
Bangiga Merchant ayaa sheegay inuu ka cabsi qabo in uu hoggaasami waayo shuruucda lacagta ee dalka Maraykanka, waxa uuna sheegayaa in xawaaladaha soomalida aanay awoodin ay cadeeyaan halka ay ku dambeeyaan lacagaha ay xawilaan.
Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Nickolas Kay ayaa walaac ka muujiyay go’aanka uu bangigan ku joojiyay xiriirkii uu la lahaa xawaaladaha Soomaalida, isagoo xusay inay caqabad badan ku keeni doonto qoysas fara badan oo Soomaali ah oo tiirsan noloshooda biilasha dibadaha loogaga soo diro.
Oxam America ayaa ku qiyaastay lacagaha Soomaalida Mareykanku ay u soo diraan qoysaskooda ku nool Soomaaliya in sanadkii ay gaareeso $1.3 billion, Taasoo ka dhigeesa in lacagtaasi ay ka badan tahay laba u jibaar lacagaha Kaalmada ah oo ay dowlada Soomaaliya ka hesho wadamada Shisheeye.
Si kastaba ha ahaatee tallaabadan uu sameeyay bangigan ee uu ku xanibay xisaabaadkii xawaaladaha Soomaalida ee Mareykanka ayaa noqoneysa caqabadii u horeysay ee soo wajaha xawaaladaha ku yaal Mareykanka, inkastoo hore Bangiyo dhowr ah ay ku hanjabeen inay xirayaan xisaabaadka, balse markii dambe ay ka laabteen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at