daajis.com:- Mid kamid ah xilibaanada baarlamanka Soomaaliya oo lagu magacaabo xilibaan (Bishaar Ugaas), ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumada maanta lagu wado in la horkeeno baarlamanka aysan heli doonin codka kalsoonida.
xilibaanoXilibaan Bishaar, waxa uu shegay in qaar badan oo kamid ah xilibaanada aysan ku qanacsaneen qaabka loo soo xula wasiirada, taas ayuuna ku sababeeyay ineeysan heleynin codka kalsoonida.
Xilibaan Bishaar, wuxuu sidoo kale sheegay, in habeenimadii xalay 120 xilibaan iyagoo ah ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayna ka wada hadleen sidii ay xukuumada maanta la horgeeynayo baarlamanka u ridi lahaayeen.
“Waxaan kuu sheegayaa inaan golaha wasiirada maanta la ansixin doonin, dadku kuma qanacsana wasiiradan” ayuu yiri xilibaanka.
Maanta ayaa lagu wadaa in xukuumada R/wasaare C. Cabdi rashiid uusoo dhisay la horgeeyo Baarlamanka , si codka kalasoonida loo siiyo, lamana saadaalin karo waxay natiijada kusoo dhamaan doonto.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:00 and have
, Published at