daajis.com:- Kooxda islaamiga ah ee Boko Xaraam ee ka dagaalanta Waqooyiga Bari ee dalka Nigeria ayaa sheegtay in ay u hoggaansatay kooxda Daacish ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq.
Boko Xaram ayaa go’aankaasi ku shaacisay cod la duubay oo lagu baahiyay barta ay kooxda twitter-ka ku leedahay.
Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo weeraro ay kooxda qaaday shalay ay ku dhinteen in ka abdan 50 qof.
Fariinta codka ah oo aan weli la xaqijin waxa ay u muuqataa in codkaasi uu yahay kan hoggaamiyaha kooxdaasi Ababubar Shekau.
Kooxdan waxay noqonaysaa tii ugu dambaysay oo u hoggaansanta ama sheegta in ay isku dhiibtay kooxda Daacish, iyadoo markii hore la aaminsanaa in kooxda boko haram ay xiriir la lahyd kooxda Al-qaacida.
Boko Xaraam, waxay bilawday ololaheeda rabshadaha 2009-kii iyadoo isla markaasna xukunka shareecada Islaamka ay ku soo rogtay waqooyiga dalka Nigeria.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at