Daawo Muuqaal "Gabar Somali- Finlandees ah oo la ilmaysay difaaca diinta Islaamka iyo jawaabta ay ka bixiyeen dadka reer Finland!!

Daawo Muuqaal "Gabar Somali- Finlandees ah oo la ilmaysay difaaca diinta Islaamka iyo jawaabta ay ka bixiyeen dadka reer Finland!!

daajis.com:- Gabar Somali- Finlandees ah ayaa waxaa la sheegay inay la ilmaysay difaaca diinta Islaamka iyo jawaabta ay ka bixiyeen dadka reer Finland oo ay u dirtey codsi ay ku difaacaysay diinta Muslimka ka dib markii diinta Islaamka lagu been abuurtey laguna shaabadeeyey inay tahay dinn argagaxisinimo . 


Gabadhaan Soomaalida oo lagu magacaabo Maryan Askar iyo wiil kale oo muslim ah oo lagu magcaabo Sadek Elwan ayaa dhawaantaan waxay ka yaabsadeen shacabka ku dhaqan magaalada Helsinki ee caasimada dalka Finland ka dib markii ay bartamaha magaaladaas Helsinki ay dhigteen boor ama tabeele ay ku qoran tahay waxaan ahay MUSLIM ADUUNKANA WAXAY IGU SHAABADEEYEY ARGAGAXISANIMO HADII AAD I GU KALSOON TAHAY HAB I SII oo igu dheg xilli ay labadoodaba ay indhaha ka xiran yihiin oo aysan arkeynin waxba, arintaas oo keentay inay shacabkii marayaayey goobtaas ay si cajiib ah ay uga wada jawaabeen oo ayna ku dhageen gabadhaas Soomaalyeed taas oo muujinaysa inay kalsooni ay ku qabaan dadka Muslimiinta ah oo aysan wax cabsi ahna aysan ka qabin. 

Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaas Soomaaliyeed ay la ilmeysay waxa ay kala kulantey shacabka dalka Finland ayaa waxaa ay sheegtay inay run ahaantii uu dareenkeedu noqday mid xambaarsan shucuur iyo xamaasad badan mar kasta oo uu qof ku dhegaayo islamarkaana waxay kale oo ay sheegtay inay aad iyo aad u jecleysatey hadalada qiimaha iyo ixriraamka badan lahaa ee ay dadku dhegta ugu sheegayeen marka ay ku dhegaan, Ujeedka ay gabadhaan Soomaaliyeed ay arintaas u sameysay ayaa waxay ahayd inay meesha ka saarto waxyaabaha xun xun ee lagu shaabadeeyey dadka Muslimiinta ah oo ay ugu horeyso inay yihiin dad argagaxiso ah 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada