Daawo Sawirrada: Dowladda SOMALIA oo la guddoonsiiyay GAADIID DAGAAL

Daawo Sawirrada: Dowladda SOMALIA oo la guddoonsiiyay GAADIID DAGAAL

daajis.com:- Xaflad maanta ka dhacday Dekada Magaalada Muqdisho oo ay ka qeybgaleen Xubno ka tirsan Wasaarada Gaashandhiga Somalia iyo Saraakiil ka tirsan Dowlada Talyaaniga, ayaa waxaa Gaadiid dagaal lagu gudoonsiiyay DF Somalia.

Gaadiidkaani oo isugu jira noocyo kala duwan, ayaa waxaa gudoomay Taliyayaasha Ciidamada Militeriga,Booliska iyo Nabadsugida DF, si ay u adeegsadaan dagaalada ay kula jiraan Maleeshiyaadka Alshabaab.

Gawaaridan oo tiradoodu gaareyso 54 ayaa waxaa loogu talo galay Ciidamada Booliska Mileteriga,iyo Nabadsugida waxaana Xafladaasi ka hadlay Xubin ka socday Wasaaarada Gaashandhiga Talyaaniga Mr Bernando Mencaraglia, waxa uuna sheegay in tani ay ka turjumeyso garabsiinta DF Somalia.

Waxa uu sheegay in deeqaha ay intaani kasii badnaan doonaan, islamarkaana tiradaani gaadiid ay hordhac u yihiin deeqaha kale.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in arintani ay qeyb ka tahay fulinta ballan qaadyo ay dowladda Talyaanigu horay ugu sameysay Somalia.

Dhanka kale, Taliyaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ahna kusime Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa uga mahad celiyay dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso Hay’adaha Amaanka DF Somalia.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada