Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maanta la kulmay qaar kamid ah Safiirada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya (Sawirro)

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maanta la kulmay qaar kamid ah Safiirada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya (Sawirro)

daajis.com:-Kulankan Gudoomiyaha Barlamaanka Federalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan “ Jawaari” uu maanta kula qaatay xafiiskiisa safiiradda Soomaaliya u fadhiya qaar kamid ah dalalka iyo hay’adaha Caalamka sida Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti Danjire Dayib Dubbad Rooble ,Sweden,Switzerland iyo Eregayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholos Kay,ayaa looga hadalyey sidii ay gacan kaga gaysan lahayeen hirgalinta hiigsiga 2016-ka.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha horyaala Baarlamaanka Soomaaliya isla markaana looga fadhiyo in ay ku qabtaan Kalfadhiga 6 aad ee Baarlamaanka oo dhowaan lagu wadao in uu furmo.

Afhayeenka Baarlaamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “ Jawaari” ayaa mid mid ula kulmay safiirada uu maanta waxaayna is dhaafsadeen qaabka ay dowlada Soomaaliya ugu guulaysan karto hirgelinta hirgalinta 2016-ka iyo doorka kaga aadab in dalalka iyo hay’adaha caalamka ay qeyb ugu qaadan lahaayeen howshaasi.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada