daajis.com:- Mid kamid ah Hoteelada ugu qadiimisan deegaanada maamulka Puntland, islamarkaasna taariikh weyn ku leh, ayaa maanta dib boorka looga jafay, iyadoo xaflad si weyn loo soo agaasimay ay ka dhacday magaalada Boosaaso dib boorka looga jafay Hotelka.
Hotelkan oo lagu magacaabo “Gacayte Hotel”, ayaa Xafladii lagu furayay waxaa kasoo qeyb galay Inta badan madaxda Puntland oo ay ku jiraan gudoomiyaha gobolka Bari iyo kan degmada, waxgarad, culum’udiin ,qurbo joog ,aqoon-yahanno iyo haween tiro ah ayaa ka soo qayb-galay munaasbaddii furitaanka oo shalay ka dhacday hoolka shirarka ee Hotelkan cusub.
“Hotelka wuxuu ku fadhiyaa dhul dhan 250, qolalka jiifka ah waa 104-sariirood, wuxuu leeyahay laba Cafeteria, laba Restaurant, Super-market, Saddex hool oo kuwa shirarka ah, Masaajid, xafiisyo, warshad rootiga iyo mid barafka ah, goob carruurta iyo dumarka, barkado lagu qubeysto “ ayuu yiri mulkiilaha hotelka Xaaji Xuseen Gacayte oo la hadlay warbaahinta.
Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo isna goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in hotelkan uu bilic sare ku soo kordhin doono Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo sanadihii la soo dhaafay aad u koraysay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 11:33 and have
, Published at