daajis.com:- War goordhow naga soo gaaray degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Kooxo Bistoolado ku hubeesan ay Xaafada Kuweyt ee Degmada Dharkeenley ku dileen haweeneyn caan ka aheed Degmadaasi.
Goobjoogayaal ayaa Warfaafiye u xaqiijiyay in rag hubeesan ay saakay afaafka hore ee gurigeeda ku dileen Haweeney caan ka aheed Degmada Dharkeenley oo magaceeda lagu sheegay Xaliimo Codweyn.
Haweeneydan la dilay ayaa la sheegay in aysan wax shaqo ah ku laheyn Dowlada , waxa ayna caan ku aheed u gar gaarida dadka iyadoona inta badan ka qeyb qaadan jirtay Macaawinada la gaarsiiyo dadka barakacayaasha ah ee kunool Degmada Dharkeenley.
Ciidamada Dowlada oo dilka kadib soo gaaray xaafada uu dilku ka dhacay ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay ku qabteen hal qof ay tuhmeen,iyafoona ula dhaqaaqay saldhig ay Ciidamada ku leeyihiin Degmada Dharkeenley.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 11:30 and have
, Published at