daajis.com:- Ra’iisal Wasaarahe Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay dalka Itoobiya, ayaa Magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Tedros Adhanom.
Labada Ra’iisal Wasaare, ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee labada dal.
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya waxaa ku weheliya booqashadiisa xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac (Jangeli), Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga, Maxamed Cali Xagaa, Danjiraha Somaliya u fadhiya dalka Itoobiya Amb. Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan, Danjiraha Somaliya ee Ciraaq Khadija Al-Maqsumi, C/laahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) iyo Lataliye-yaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyay Dowladda Itoobiya sida ay gacan uga gaysato xasiloonida Somaliya, waxa uuna ka warbixiyay dadaalka ay Doladdu ugu jirto xasiloonida iyo dhismaha hay’adaha Dowladda, si bulshada Somaliyeed ay u helaan adeegyada bulshada ugu muhiimsan.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay arrimaha ay ka mid yihiin Dhismaha Maamulada Gobolada, aas-aaska guddiyada laf-dhabarka u ah hiigisiga 2016-ka, dhamaystirka sharciyada, la-dagaalanka argagixisada iyo dardar-galinta Dhismaha Ciidanka iyo tababarkooda.
Ra’iisal Wasaare Sharmaarke oo la hadlay saxaafadda ka dib kulankii uu la qaatay dhigiisa Itoobiya waxa uu yiri: “Waxaan sii xoojin doonnaa xiriirka iyo iskaashiyada nagala dhexeeya dawladaha aan dariska nahay oo Itoobiya ay ka mid tahay ee siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha. Soomaaliya waxaa ay ku socotaa wadadii dib-u-kabashada iyo dhismaha dawlad dib-u-soo celisa kala dambeentii iyo adeegyadii bulshada, waxaan uga mahad celinayaa dawladaha aan saaxiibka iyo walaalaha nahay ee Itoobiya, ay kamid tahay sida ay noogu garab taagan yihiin dadaaladaasi aan wadno ee xasiloonida dalka iyo qorsha hiigsiga 2016.”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:45 and have
, Published at