daajis.com:- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharamake iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta ka ambaxay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharamake iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta ka ambaxay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa safarkooda ku sii jeeday dalka Qatar halkaasi oo uu dhigiisa Dalka Qadar ka helay casuumaad rasmi ah.
Afyeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in safarka Ra’isul wasaaraha uu qaadan doona mudda maalmo ah, waxaana garoonka diyaaradda Aadan Cabdule Cusmaan ku sii sagootiyay Mas’uulayiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda iyo safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya.
Ra' iisul wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Qatar, kulamo la qaadan doona mas’uuliyiin ka tirsan dowladdaasi, waxayna ka wada hadli doonaan xariirka ka dhaxeeya labada dal, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashi dhinaca wabarashadda iyo horumarinta.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:17 and have
, Published at