daajis.com:- Waxaa Dalka Tuuniisiya maanta ka dhacay Weerar ugu yaraan 19 qof oo Ajaanib ah ay ku dhimatey iyo hal qof oo Tuuniisiyan ah, Dadka ajaanibta ayaa dalxiis ku joogey Tuuniisiya.
Weerarka waxa uu ka dhacay Madxaf (Museum) qadiimi ah ee ku yaala caasimadda Tuuniisiya ee Tunis.
Dadka dhintey ee dalxiisayaasha ah ayaa qaar kamid ah dalalka ay ka soo jeedaan lagu sheegay faransiiska, jarmalka, Talyaaniga iyo Poland. Madxafka Bardo ayaa la dhisey qarnigii 15aad, waxaana uu caan ku yahay dalxiisayaasha ajaanibta ah.
Weerarka ayaa dhacay xiligii duhurka ee maanta, Waxaaana dableyda weerarka fulisey ay afduubteen qaar kale oo Dalxiisayaasha kamid ahaa.
Labada nin ee weerarka ku qaadey Madxafka ayaa u soo labistey sida ciidanka Milteriga Tuuniisiya. Ma Cadda weli heybta ragga weerarka geystay. mana jirto urur ama koox sheegatey weerarkaas.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:30 and have
, Published at