daajis.com:- Wasiirka waxbarashada xukuumadda faderaalka ah ee Soomaaliya,Drs Khadro Bashiir Cali ayaa maanta soo gaartay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo,Cabdicasiis Jaamac Guuled,saraakisha ciidanka iyo bulshada qaybaheeda ayaa wasiirka ku soo dhaweysay duleedka magaalada Gaalkacyo.
Duqa degmada ayaa u sheegay wasiirka waxbarashada inay ku soo dhaweynayaan Gaalkacyo ayna uga mahadcelinayaan safarka ay ku timad magaalada Gaalkacyo.
“Waa wax wanagsan in madaxda qaranka ay ina soo booqato,wasiir ku soo dhawoow magaalada Gaalkacyo,”ayuu yiri duqa oo shegay wasiirka waxbarashada inay tahay wasiirkii ugu horreeyay ee xukuumaddan oo Gaalkacyo soo gaarta.
Khadro Bashiir Cali wasiirka waxbarashada dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda ka mahadcelisay sida wanagsan ee loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo.
“Wada madadsantihiin sida wanagsan ee ad igu soo dhaweyseen magaalada Gaalkacyo,waan ku faraxsanahay inan idin la kulmo oo an isbarano,annaga hal wadan ayaan nahay iyo hal dad inan soo celino qaranimada waa noomuhiim,”ayay tiri wasiir Khadro.
Waxaa kalo ay sheegtay wasiir Khadro inay booqan doonta goobaha waxbarashada haddii ay waqti u hesho,waxaana ay ku cel celisay inay ku soo noq noqon doonto magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaanba Puntland.
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya markii ay soo gaba gabeeysay booqashadii Puntland ee maalmaha qaadatay,waxaa ay u gudubtay dhinaca maamulka Galmudug ee koonfurta magaalada Gaalkacyo.
Mas’uuliyin ka mid ah maamulka Galmudug ayaa wasiirka u gudbiyay dhinaca koonfurta magaalada Gaalkacyo,halka oo ay kulamo kula qaadanayso madaxda maamulka.
Puntland ayaa ku casuntay magaalada Garoowe wasiirka waxbarashada si ay uga qaybgasho shirka dib u eegida waxbarashada Puntland oo shalay la soo gaba gabeeyay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:53 and have
, Published at