daajis.com:- Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in heshiiska Nuclearka ee Iran lala gaaray Khamiisii shalay uu yahay mid hor joogsanaya dariiq kasta oo ay Iran ku sameysan laheyd Nukliyeer.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in hadii heshiiskan horudhaca ah uu horseedo mid kama dambeys ah, inuu dunida ka dhigayo meel amaan ah.
Heshiiskan ayaa waxaa Khamiista shalay Iran kula saxiixday dalka Switzerland shan xubnood ee joogtada ka ah golaha amaanka oo lagu daray Jarmalka.
Waxa uu dhigayaa in Iran inay joojiso barnaamijkeeda bacriminta macdanta Uraniumta, taa bedelkeedana Iran laga qafiifiyo cuna qabateynada la degay dhaqaalaheeda.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at