Maleeshiyaatka Xuuthiyiinta Oo Toogasho Ku Dilay Askar Sacuudiyaan Ah.

Maleeshiyaatka Xuuthiyiinta Oo Toogasho Ku Dilay Askar Sacuudiyaan Ah.

daajis.com:- sacuudiagaWararka ka imaanaya xad beenaadka ay wadaagaan dalalka Yemen iyo Sacuudiga ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaatka Xuuthiyiinta ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidamada Sacuudiga gaar ahaan kuwa ilaalada ka ah xadbeenaadka Yemen iyo Sacuudiga.

Inta la xaqiijiyay weerarkaasi qorsheysan waxey maleeshiyaatka Xuuthiyiinta ku dileen labo ka tirsan askarta dowladda Ridada Sacuudiga walow wararka qaar ay sheegayaan inuu khasaaraha intaasi ka badan yahay.

Sarkaal u hadlay  Ciidamada  Ilaalada Xuduuda ee dowladda daba dhilifka  Sucuudiga ayaa xaqiijiyey inuu jira weerarka, isagoona qiray in dhankooda lag diley 2 Askari islamarkaana weerarka uu kaga yimid dhanka maleeshiyaatka Xuuthiyiinta.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan sidoo kale maleeshiyaatka Xuuthiyiintu weerar ka fuliyeen xad beenaadka ay wadaagaan Sacuudiga iyo Yemen’waxeyna weeraradaan u muuqdaan mid Xuuthiyiinta ay kaga jawaabayaan duulaanka kaga yimid isbaheysiga Sacuudiga uu hor ka cayo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada