Al Shabaab oo sheegatay dilka Xildhibaan Dirir iyo hanjabaado hor leh oo Xildhibaanada ay u jeedisay

Al Shabaab oo sheegatay dilka Xildhibaan Dirir iyo hanjabaado hor leh oo Xildhibaanada ay u jeedisay

daajis.com:- Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama dalka Somaliya, ayaa sheegtay masuuliyadda dilkii galabta Magaalada Muqdisho loogu geystay Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir, oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Qoraal ay Al Shabaab soo saartay, ayaa waxay ku sheegtay in si dirqi ihi uu kaga badbaaday Xildhibaan Cabdalla Boss, iyadoona dhaawaciisa ku sheegtay mid halis ah.

Qoraalka oo laga baahiyay Idaacada Andalus oo afka Shabaabka ku hadasha, ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi ay fuliyeen xoogaga sida gaarka ah u tababaran ee Al Shabaab ka tirsan.

Al Shabaab waxay ku cago jugleysay inay sii wadi doonto weerarada ka dhanka ah, ee ay ku hayso Mudanayaasha Baarlamaanka Federalka Somaliya.

Ururka Al Shabaab oo si weyn kaga soo horjeeda jiritaanka Dowladda Federalka Somaliya, ayaa Xildhibaanada ku eedeeya inay ka horyimaadeen Sharciga Alle, isla-markaana ay isugu yeereen Sharci dejiye-yaal.

Al Shabaab, ayaa waxay horey u sheegatay dilal badan oo Magaalada Muqdisho loogu geystay Xildhibaano Baarlamaanka Somaliya ka tirsanaa.

Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Somaliya, ayaa Booliska iyo Nabad Suggida ka codsaday inay baaraan, cidii ka dambeysay weerarka labada Xildhibaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada