Daawo kooxda fanaaniinta Xidigaha Geeska oo Casuumad ka helay Wadan EUROPE AH

Daawo kooxda fanaaniinta Xidigaha Geeska oo Casuumad ka helay Wadan EUROPE AH

daajis.com:- Gudoomiyaha Dallada Guud Ee Jaaliyadaha Somaliland Ee Dalka Sweden  Sakariye Xasan Wacays ayaa shaaca ka qaaday inay dalka Sweden ku soo food leeyihiin Kooxda Fanaaniinta Xidiga Geeska oo xaruntoodu tahay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Sakariye Xasan Wacays waxa uu sidaa ku sheegay mar uu ka hadlay Munaasibad balaadhan oo si heer sare loo soo agaasimay ooJaaliyadda reer Somaliland ee dalka Sweden ku soo dhaweeyeen  Weftigii ka koobnaa Xildhibaanada reer Somaliland ee uu hogaaminayay Maayirka Caasimada Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan-SOLTECO) oo shalay la qabtay.

“Haddii aynu nahay reer Sweden Kooxda Fanaaniinta Xidiga Geesku way inoo imanayaan, inaga oo wada-jirana oo mida ayeynu wada maamuli doona oo aynu soo dhaweyn doonaa” Gudoomiyaha Dallada Guud Ee Jaaliyadaha Somaliland Ee Dalka Sweden  Sakariye Xasan Wacays



Sakariye Xasan Wacays ma sheegin wakhtiga ay imanayaa Kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geesku,balse waxa uu caddeeyey inay imanayaan dalka Sweden.

HALKAAN  KA  DAAWO


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada