Ganacsade somaliyeed oo markab lagusoo daad gureeyo qoxotiga Yamen Kireeyey + sawirka

Ganacsade somaliyeed oo markab lagusoo daad gureeyo qoxotiga Yamen Kireeyey + sawirka

daajis.com:- Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo kamid ah Ganacsatada ugu caansan dalka kuna caanbaxay gargaarka ayaa ku yaboohay Markab wayn oo soo qaadi doona Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugan Dalka Yeman.

Ganacsadahan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in si iskiisa ah u gartay in Markaabkaas uu u diro walaalaha Soomaaliyeed oo ku dhibaataysan dalka Yeman.

Markabkaan ayuu sheegay in uu soo qaadi doono dad kor u dhaafaya Kun, kuwaasi oo ka mid ah dadka ku dhibban dalka Yemen, islamarkaana dushooda lagu dagaallamay.

“Markabkaan waxa uu aadi doonaa meesha guddiga uu dalbado, waa Markab Xamuulka qaada, waxa uu ka bixi doonaa magaalada Muqdisho Shan Cisho ka dib, waxaana jeclahay walaalahayga Soomaaliyeed in aan wax u qabto, ganacsatada kale waxaan iyaguna leeyahay waa maalintii naloo baahnaa ee kaalaya dhinaciina ka qaata gurmadkaan” ayuu yiri Ganacsade Cabdi Cali Faarax.


Waa ganacsadihii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay islamarkaana ku yabooha markab soo qaada muwadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada