VIDEO:- Madaxweynaha Soomaaliya oo u Galabtab u Ambabaxay Magaalada Abuja ee Dalka Nigeria

VIDEO:- Madaxweynaha Soomaaliya oo u Galabtab u Ambabaxay Magaalada Abuja ee Dalka Nigeria

daajis.com:- Madaxweyanha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Abuuja ee Caasimada dalka Nigeria, halkaasi uu kaga qeyb galidoono caleema saarka madaxweynaha cusub ee dalkaasi Muhamadu Buhari.

Madaxweynaha cusub ee dalka Nigeria ayaa loo doortay xilka madaxtinimo 1.dii April ee sanadkani, isagoo kaga guuleystay doorashada madaxweynihiii hore ee dalkaasi Goodluck Jonathan.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka mid noqonaya madax badan oo caalamka katirsan oo lagu casuumay munaasabadda caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee dalka Nigeriya .

Inta uu joogo Madaxweynaha Magaalada Abuuja ayaa waxaa lagu wadaa inuu kulan gaar ah la qaato madaweynaha Cusub ee dalkaasi kaasi, waxaana kulankaasi diirada lagu saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin sida labada dal ay isaga kaashan lahaayeen ka hortaga Qatar-ta kooxda aragxisada sida Al-shabab iyo Boka xaraam ee Nigeria ka dagaalanta .



Muhamadu Buhari oo isagu ah nin ka soo jeeda deegaanada waqooyi ee Muslimiinta Nigeria, ayaa ololihiisa ku galay inuu wax ka qaban doono amniga gaar ahaan kooxda argagixosada ee Boko Xaraam, Musuq Maasuqa iyo Dhaqaalaha dalka Nigeria.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada