daajis.com:- Laba askari oo ka mid ah Ciidanka Itoobiya ee Amisom ka tirsan, ayaa waxaa maanta la keenay deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose, xilli ay ku firxadeen dagaalkii lagu hoobtay ee Khamiistii ilaa Jimcihii shalay ka soconaayay deegaanka Buulo Jameeco, oo 20km u jirta Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.
Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa maanta lagu soo helay labadaasi askari, oo ka mid ah ilaa 10 askari oo la rumeysan yahay inay ku firxadeen dagaalka.
Gudoomiyaha deegaanka Leego, Abuukar C/laahi Isaaq (Al Cadaala) oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay inay caafimaad qabaan labadaasi askari, isla-markaana ay ku hayaan deegaankaasi Leego.
Gudoomiyaha, ayaa sidoo kale sheegay inay weli wadaan hawlgalka lagu soo samata bixinaayo firxadka Ciidamada Itoobiya, si looga hortaggo inay u gacangalaan dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab.
Halkaan Hoose ka Daawo
Xoogaga Al Shabaab, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii weeraray gargaar ay galbinayen Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda, dagaalka wuxuu soo gaaray ilaa Jimcihii shalay. Wuxuuna sababay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo mid maaliyadeedba leh.
Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen in ka badan 30 ka mid ah Ciidamada Militariga Itoobiya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:30 and have
, Published at