daajis.com:- Dood kulul oo ku saabsan dagaalka iyo xasuuqa ay ciidamada Itoobiya ka wadaan degaanada Xuduuda ee dhanka Galguduud ayaa waxay dhex martay Nabadoonada Maxamad Axmed Guuleed iyo Maxamad Xassan Xaad.
Guuleed iyo Xaad oo wada shaqeyn jiray kana tirsanaa hogaanka odayaashii Hawiye ee Xamar laga aas aasay waagii Ciidamada Ethopia dalka soo galeen, ayaa hadda kala aaminsan labo mabda’.
Guuleed ayaa ku taagan mabdi’iisii hore ee ahaa in Itoobiya dalka laga saaro oo lala dagaalamo, halka xaad oo ka tanasuliya mabdi’iisii hore uu qabo in Itoobiyaanku gacal yihiin.
“Xaad waxaan ku kala baydhnay isagu wuxuu diidanaa Cabdilaahi yuusuf iyo daarood, ee diin ma aamin sanayn, Wuxuu ahaa Jaajuus, Anigu Mabda’a Soomaalinimo ayaan Aamin sanahay” Ayuu yidhi Guuleed oo aan waxba u reeban Xaad oo dooda kala qayb galay.
Haddaba dooda oo dhinacyo kala duwan taabaneysa ayaa ah mid aad u xiiso badan oo macluumaad iyo xaqiiqooyin dhab ah laga faa’iidayo, waxaana hadalka ku horeynaya Xaad oo ka hadlaya Xasuuqa ay ciidanka Liyu Bolisku ku hayaan dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:30 and have
, Published at