daajis.com:- Wararka ka imaanaya Wasaarada warfaafinta DF Somalia, ayaa sheegaya in maanta Wasiirka uu kala eryay shaqaalihii degnaa xarunta Wasaarada.
Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaqaalaha ku wargaliyay in muddo 24-saac gudaheeda ay ku faarujiyaan Xarunta gaar ahaan qololka ay ka degan yihiin xarunta Wasaarada.
Shaqaalaha laga eryay degnaanshaha xarunta ayaa waxa ay u badnaayeen Shaqaale xilalka ay hayeen laga qaaday iyo shaqaale kale oo amaan usoo raadsaday xarunta.
Shaqaalaha oo go’aankaasi aad uga carooday ayaa waxa ay xarunta ka rarteen alaabtooda waxa ayna Xaruntaasi deegaan ku ahaayen inkabadan Shan sano.
Dadka alaabtooda banaanka loo soo saaray ayaa waxaa kamid ahaa C/raxmaan Al-Cadaala oo ah Agaasimaha TV-Dowladda kaas oo Wasiirka u sheegay in Talaabadaas ay tahay mid laga Fiican yahay Balse uu Wasiirka dhagaha ka Fureeystay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:30 and have
, Published at