Daawo Muuqaal “Madaxweynaha dalka Mareykanka oo amaan kala dul dhacay gabar Somali-American ah oo iyadu kaga yaabsatey!!

Daawo Muuqaal “Madaxweynaha dalka Mareykanka oo amaan kala dul dhacay gabar Somali-American ah oo iyadu kaga yaabsatey!!

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa waxaa uu amaan kala dul dhacay gabar Somali-American ah oo iyadu kaga yaabsatey dhawaantaan aqoonta waxbarashadeeda ee heerka sare ah iyo howlalaha baaxada weyn ee ay u qabato bulshada Mareykanka asagoona ku sheegay inay gabadhaas Soomaaliyeed ay tahay mid ay ku faani karaan guud ahaan shacabka dalka Mareykanka 


Madaxweynaha dalka Mareykanka oo dhawaantaan ka hadlaayey Munaasabad uu Afur ugu sameeyey aqalka cad ee looga taliyo dalkaas Mareykanka Muslimiinta dalka Mareykanka ayaa munaasabadaas waxaa uu ku amaanay gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Muna Khaliif, gabadhaas oo dhawaantaan kaga yaabsatey dalka Mareykanka heerkeeda aqooneed ee sareeyo ayaa waxaa uu madaxweyne Barack Obama uu ku tilmaamamay gabadhaas Soomaaliyeed ee ka midka ah muslimiinta dalkaas Mareykanka inay ku faanayaan aqoonteeda islamarkaana ay u han weyn yihiin guud ahaan shacabka dalkaas Mareykanka asagoona uu madaxweyne Obama u rajeeyey gabadhaas Soomaaliyeed inay guul ka gaarto howlaha ay hiigsaneyso.



Ugu dambeyntiina iyadoo madaxweynaha dalkaas Mareykanka uu amaan u soo jeediyey gabadhas Somali-Americanka ah ayaa waxaa kale uu madaxweynuhu uu halkaas ku xusay qaar badan oo ka mid ahaa shacabka muslimiinta dalka Mareykanka oo iyagu muujiyey dadaal dheeri ah oo ay ku faani karaan shacabka dalkaas Mareykanka, Muniira Khaliif ayaa dhawaantaan waxaa si weyn uga hadlay warbaahinta dalka Mareykanka ka dib markii laga wada aqbalay dhamaan 8da Jaamacadood ee ugu waaweyn ee dalkaas Mareykanka iyadoona ay arintaas tahay mid ku yar dalka Mareykanka in arday laga wada ogolaado dhamaan Jaamacadaha waaweyn ee dalka Mareykanka marka laga reebo ardeyda ay aqoontoodu sareyso.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada