Daawo:- Qaxooti Tiradoodu ay gaarayso 1679 qof oo maanta soo gaaray Bosaso.

Daawo:- Qaxooti Tiradoodu ay gaarayso 1679 qof oo maanta soo gaaray Bosaso.

daajis.com:- Qaxooti isugu jira Soomaali iyo Yamaniyiin,kaso qaxay Colaada Yaman ayaa maanta oo Sabti ah ay dooni keentay magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari.

Tirada guud ee Qaxootiga soo gaaray Bosaso ayaa gaaraysa 1677 qof,kuwaas oo qayb ka noqonaya qaxootiga sida isdaba jooga ah uso gaaraya Puntland.

Dawlada Puntland ayaa Qaxootiga kuso dhowaysay Dekeda Bosaso,waxaana loo fidiyay Gargaar Caafimaad iyo soo dhowayn.

Ka dib markii ay ku nasteen Dekeda Bosaso,ayaa waxaa Gawaari waawayn oo Basas ah looga soo qaaday Dekeda,waxaana la geeyay Xerada ay Puntland u samaysay Qaxootiga uga imanaya Yaman.

Illaa iyo hadda ma jirto cid Dawlada Puntland ka caawisay gargaarka Qaxootiga,waxaana Dawlada iyo dadweynuhu ay si wada jir ah ugu istaageen caawinta walaalahooda kaso qaxaya Yaman.

Si kastaba ha ahate,illaa iyo bishii April in ka badan 10,000 oo qaxooti ah ayaa soo gaaray Puntland.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada